Waano Waa Gabay uu Curiyay Saalax Awmuuse Xasan
Tuesday, 31 August 2010

Assalaamu calaykum , Ramadaan kariim , Maalmahan u dambeeyay oo ay aad ugu badan yihiin is toocsiga iyo ismaagistu ayaan maadaama aynu ku jirno Bishii barakaysnayd waliba aan galnay tobankii habeen ee u dambeeyay oo uu ku jiro Habeenkii (Laylatul Qadrigu) waxaan doonayaa inaan bulshada ka dalbo bilaahi calaykum habeenadan Allaah aan ka yaabno oo joojiya inkastoo aanay marka horeba banaanayn in wax dhiif leh lays yidhaahdaa hadana habeenadani ka sii dhib badan ,walaalayaal Qalinka iyo warqada iyo waxii aad qoaraysaanba intaad dhigtaan xaga Allaah aan u jeesano Allaahna waxaan inooga baryayaa inuu ina waafajiyo habeenkan khayerka badan ee ka khayerka badan in ka badan 83 sano camal la qabtay(kun Bilood)sida Quraanka Kariimka ah laynoogu sheegay;
 
 
Waxaan markaas kusoo gudbiyay dareenkayga Afartan:
 
NABAD DOON waa maanso uu Curiyay A/risaaq Saleebaan Ali (Cabdi Gaydh)
Sunday, 29 August 2010

Asalaamu Calaykum Waraxma tullaahi Wabarakaatuhu

Maansadan waxa la yidhaa NABADDOON waa maanso Si layaableh uga faaloonaysa Qiimaha nabadda waxaanay dareen fog ka bixinaysaa qofka aan nabad haysan dhibka haysta iyo kanabadda haystaa wanaagga uu ku noolaan karo haba qatanaadee. Akhris wanaagsan

 
Haw nabaddu Gogol maaha Waa midhihii Maxamed Cismaan Budin
Sunday, 29 August 2010
QalinkiiAsalaamu Calaykum Warax ma tullaahi Wabarakaatuhu. Maansadan waxa la yidhaa HAW NABADDU GOGGOL MAAHA Waxa Curiyay Abwaanka da'da yar ee Maxamed Cismaan Budin. Maansadu waxay si qoto dheer u sharaxaysaa Nabadda Waxay Taabanaysaa waxa nabadda dumiya Waxaan talo ka bixinaysaa Sida Nabadda loo Xaslado Akris wacan
 
DUNI BILA waa midhihii Siciid Maxamuud Gahayr
Sunday, 29 August 2010

Asalaamu Calaykum Waraxma tullaahi Wa barakaatuhu. Maansadan oo magaceeda la yidhaa Duni Bila Waxa ay si qoto dheer uga waramaysaa, Qiimaha nabadda iyo Faa'iidadeeda iyo Sida aan looga maarmi karin.

Nabaddu waa Ta keenta in Waddan dhan La aanteeda uu baaba'o Haysashadeeda iyo ilaalinteeduna waa shay aad u qiima badan, Waxa nabadda lagu helaa In dhiig u Daato dhib na loo soo maro La isla dareemo La isla garto la isla fahmo in loo baahan yahay Nabad iyo Xasiloni Markaas ayay nabaddu Qiima yeelanaysaa la og yahay la'aanteedu dhibka ay leedahay. 

 

DUNI BILA waa midhihii Siciid Maxamuud Gahayr

 
AQOONEY MAXAAD TAHAY Waa halabuurkii Cabdikariim Maxamed Saleebaan
Wednesday, 25 August 2010
Waa maanso cusub oo ka hadlaysa aqoonta iyo muhiimaddeeda iyo sida dad badan oo aqoonyahn ah oo xambaarsan shahaadadii cilmiga haddana aanay uga muuqan sifooyinkii aqoonyahanku waxaana maansadu si qoruxbadan u tilmaamaysaa mawduuca ay ka hadlayso .
Waxa maansada tiriyey Cabdikariim Maxamed Saleebaan oo degan dalka Malaysia




AQOONEY MAXAAD TAHAY
 
Halyay Waa tix gabay ah oo curiyay Ismaaciil Maxamed Cali
Saturday, 21 August 2010
Asalaamu Calaykum Waraxma tullaahi Wabarakaatuhu
 tixda HALYAY waxay tilmaamaysaa abwaano badan
oo badidooda dhulka soomaalidu degto aad looga yaqaan
ama ahba hormoodka suugaanta soomaalida waxay soo baxday 2/5/10
waxay tidhi
 
Nayaayir Waa tix gabay ah oo ay curisay Caashaluul Maxamuud Yuusuf
Sunday, 15 August 2010
Asalaamu Calaykum waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.


Waxaan halkan ku soo bandhigayaa Tix gabay ah oo u curatay Is baddalka ka dhacay dalka iyo hambalayada madaxwaynaha cusub iyo dawladda cusub ee uu hogaaminaayo Madax wayne Axmed Maxamed Maxamuud.



Tixdani waa soo dhowayn ta dawladda cusub iyo dardaaran aan kala dardaarmaayo wixii hore inooga qaloocsamay inaynu saxno





Wuxuu soo baxay  30 july 2010 magaciisuna waa NAYAAYIR
 
Jiifto Maalmo tagay Waa halabuurkii Mawliid qolqol
Sunday, 15 August 2010

Jiifto magaceeda la yidhaa "maalmo tagay", Siyaad Barre ayaa tiriyay
 

Waxaan halkan ka salaamya umadda reer soomaaliland meel ay joogaanba. waxa kale oon sala

halkan waxaan ku soo gudbinaya maansada aan magaceeda soo sheegay soona baxday 7.11.09 waxaanu is waraysanayna Siyaad Barre oo mar aan meel fadhiistay ii yimi isagoo aakhiro ka soo baxay isagoo doonayay inuu ii sheego laba arimood
1.Sida uuga xunyahay waxii dhacay iyo waxa hada ka socda soomaliya
2.Sida uu ugu faraxsanyahay in wali yaryarkii uu macalinka u ahaa inay howli hiisii si fiican ilaa iyo hada u wadaan .macnaha kale waxaad ka heli maansada .akhriste waxaan ku xasuusinaya inay 3 maanso oo hore loo sii daayay ooy kala tiriyeen gudoomiyayaasha xisbiyada soomaaliland......waxaa tiriyay Mowlid Aden (Qolqol).

Waxa uu yidhi :

 
Dhaqan celis waa tix gabay ah oo uu curiyay Abdi Hagi Ali
Saturday, 07 August 2010

Waxaan salaan gaadhsiinayaa dhamaan Ummadda reer soomaaliland meel kasta oo ay joogaan Iga guddooma tix dareen culus ka dhalatay taas macnaheeda aad ka fahmi kartaan in Dhuuni raac iyo xil doon Qurbaha ka soo cararay isugu soo urureen Wadanka iyada oo ay Intii muwaadiniita ahayd ee u samraysay kana dhursugaysay ay wali ku dhex shaqo la'yihiin wadanka..

Dhaqan celis waxay soo baxday 17/07/2010 Akhris wacan

 
Tix gabay oo uu curiyay Saalax Awmuuse Xasan
Tuesday, 03 August 2010

Asalaamu Calaykum Magacyga Waa Saalax Aw Muuse Xasan
Ugu Horeyn waxaan salaamayaa Saxaafada iyo Dhamaan Shacab waynaha ,Anigoo oo waayadan wadankii ka soo maqnaa isla markaana Jeclaystay qaabka wax waliba u dhamaadeen Doorashadii & Xilwareejintii iyo Qaabka Dawlada Cusub loo dhisayba oo dhamaan ku dhamaaday si hufan ayaan ka biyo diiday maqaalo tiro badan oo waliba waxgarkii umada iyo aqoon yahankii ka imanaya oo dhamaantood u badan ama ku salaysan Beeshayadii waxba lama siin iyadoo taas ay ka fiicnayd malaa in dhaliishu ahaato magacyada dawlada la soo dhisay oo hadii aan dad munaasiba loo arkayn la yidhaahdo kaasi munaasib maaha ama
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Results 1 - 10 of 174

Video

Waraysi lala yeeshay Saado Ciise Cismaan

Taariikhda Hal-abuuradda

  Taarikh Nololeedka Abwaan 

Faysal (Guji Sawirka)

 

 Taariikh Suganed ee

Cabdilahi

 

Taarikhda Casha lul

 

Sooyaalka Jamaal

Sooyaalka Saado

 

 

Silsilado xidhiidh ah

Dheeli tiran waa maanso uu curiyay C/Raxmaan Maxamed Ubaxle

Dheeli tiran oo  soo baxday 30/abr/20010   waxay si dareen leh inoo tusaysaa
isu dhanaanshaha  dhexdhexaadka iyodheeli tiranaka nolosha waxaana ku duugan
macnayaal badan iyo murti muuq dheer oo lagu maakubay maansadani waxay daaha
karogtay habdhaqanka wajiyada badan ee dadka u degdega iyagoo danatooda uun
uga socda inay    dal iyo dadba hagaan oo hogaanka uqabtaan

Xeeladahooda ee markii ay arintoodu u hirgasho uga faraqabsadaan ugu
danbayna ugasii xaabxaabsadaan



Waxay maansadani xusaysaa in arintaa laga ilbaxay ee cida rabta inay
wadadaasi sii haysaa kawaantoobaan  waxaa kale oo midhaha maansada kadhaex
ifaya barwaaqada balaadhan iyo nabada aynu ku jiro jacaylka iyo dhibkiisa
iyo  afooyin inugusoo fooleh oo ay kadigayso  sida dabargo soo foodsaaray
degeenkeena
 
Alley lehe waad dar jiidhey uriye Siciid Axmed
Asalaamu calaykum mudanayaal iyo marwooyin.
Maansadan waxaa layidhaahdaa  (Alley lehe waad dar jiidhey) waxey  jawaab u tahey maansadii Dhaqan Diid ee uu tirshey Talaabo .
N/B bacdamaa aan shebekada  xubin ka aheyn  waxaan ka codsanayaa inay maansadeydan ii sii daayaan.
Mansadan waxaa curshey siciid axmed   20/04/10
 
Waa maanso uu curiyay Faadil Axmed
Goluhu waa salaaman yahey gaar ahaan hagayaasha shebekada. Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa maanso la yidhaahdo Ducaysane oo la socota silsiladii hore oo aan curshey 18/04/10.
Magaceygu wuxuu sax ku yahey fadil axmed  (nuwaal waa naaneys) sidoo kale markii aan soo direy maansadeyda hore  waa kala hadhey   ee iyada oo dhameystiran maansadeydan labaad ayey dabasocotaa ee akhris wanaagsan.
 
Dambiille Waa jiifto ay curisay Saado Ciise cismaan

Dhamaan Dadwaynuu wuu salaamanyey,waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa
maanso daba socota maansooyinkii socdey ,taas oo jawaab u ah tii u danbeysaey
ee la magac baxdey DARDAARAN,waxaanu magaceedu yahay DANBIILE waxay
soo baxdey 15/04/10, Akhris wacan


 
 
DANBIILE

 
Daryeelka raggaa Lahaa Waa midhihii Siciid Maxamed Cali

Assalamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu  wuu salaamanyahay Dadwaynaha sharfta lihi mudane iyo marwaba ...salaan kadib waa maanso yar ...oo jacbura  ...oo la magacbaxday  dar yeelka ragaa lahaa  sxb waan ka gaadhsiiyoo markii hore.haweenkaanu ka war sugaynee ... saadana malaa rasaastiibaa ka dhamaataye .kaftan .........iga gudooma sxb

 
Dumarka yaan eed la saarin waxa tirshey nuwaal siciid ceerigaabo

Asalaamu Calaykum Dhamaan

Waxa aan Ku arkay Saddex Maanso oo isu jawaabaya Shabakadda Hadhwanaagnews.com 

maansooyin ay si daran dooriya isu dhaafsanayeen abwaanada da'da yar ee kala ah  muuse dhoolayare iyo c/raxman talaabo iyo saado ciise  anigoo aan  bahda suugaanta ku jirin ayaan jecleystey inaan dhalintaa la wadaago dareenka ay xanbaarsaneyd maasadoodu dabadeedna ereyadan ayaan ka idhi anigoo ugu magac darey. dumarka yaan eed la saarin
maansadeydu maaha jawaab  ee waxaan dareenka la wadaagaa sadexda abwaan oo isla qirey inay godalooladu ka timi raga oo baneeyey kaalintoodii maansadan waxaan curiyey casarkii maanta 13/04/10 markii aan akhriyey lifaaqa abwaanadu soo gesheen  hadhwanaagnews maansadiina waatane  akhris wacan
waan la khaldamey oo waxaan maansada shaleyba u direy hadhwanaag  waxaanse mar danbe ogaadey in ururku leeyahey shebekad u gaara

 
Dummaddeena weeye Waa Midhihii Muuse Dhoolla yare
Salaamu Calaykum dhamaantiin Rag iyo Dumar erayadan waxaan ku soo daray
Dood maanseedkii dhex martay labada abwaan ee talaabo oo gantaal ku riday xagaa iyo
Haweenka iyo saado oo intay gaashaan u dhigtay ku soo celisay sayruuc ama qumbula duriye
Erayadani waxay qirayaan in dembi jiro hayeeshee cidda masuuliyadeeda qaadi doontaa ay
tahay ina rag..
 
 
Waano Dumar Waxa curiyay C/raxmaan Tallaabo

Waxaan salaan Gaadhsiinayaa Dhamaan Umadda reer somaliland iyo Gaar ahaan inta Suugaanta xiisaysa. 

Intaa ka dib waan maanso gaaban oo la magac baxday
 
WAANO DUMAR waxay soo baxday 10/4/2010
Waxay daba socotaa maansoyinkii hore ee DHAQAN DIID IYO
DIFAAC DUMAR
Waana tan ee akhris wacan
 

 
Difaac Dumar Waa jiifto ay curisay Saado Ciise Cismaan

Iga guddooma Salaanta Islaamka, Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
waxaan rabaa inaan idiinsoo gudbiyo tix yar oo maanso ah oo daba socota maansaduu soo dhigey walaal keen TALAABO, oo si qurux badan uga faaloodey haweenka.


Balse aad moodo inaanu eegin waxa keenaya arimahuu ka hadlay,waxayna soo baxdey 08/04/10 waxayna
la magac baxdey DIFAAC DUMAR.,akhris wacan.

 
Dhaqan Diid Waa Jiifto uu Curiyay C/Raxmaan Tallaabo
Waxaan salaamayaa dhamaan bahda golahan ee rag iyodumar
Inta ka dib waa maanso gaaban oo laga magac baxday
 
DHAQAN DIID
Waxay la hadlaysaa dumarka  kuwa halaysan ee aad mooda
In aanay diinba haysan markaad aragto lebiskod
Iyo siday ugu daydeen dhaqamo gaalo
Ilaahay ha soo ururyee
 
Waana tan akhris wacan
Waxay soo baxday 07/04/2010
 
Ogeysiis: “Aliflay” Silsilad-maanseed cusub oo dhawaan la baahin doono.

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan akhristeyaasha mareegaha internetka ee xiiseeya ama curiya suugaanta in dhawaan mareegaha internetka lagu baahin doono silsilad-maanseed magaceedu yahay Aliflay, oo ay tahay markii koowaad ee lagu baahiyo saxaafadda iyada oo dhamaystiran. Silsiladan Aliflay, waxa bilaabay Abwaan Axmed Aw Geeddi “Dheeraad”, oo jare-raacay ama ka jawaabay hees uu hore u allifay abwaanka weyn ee caanka ah Cabdi Aadan Xaad ""Cabdi-Qays", waxaana kala

 
Mullaax waa jiifto uu curiyay Axmed maxamed Badeed lana socota Diga rogasho

Salaam sharafeed Dhamaan ba rag iyo haween, waa jiifta kale oo la socota Diga rogasho waxaanay saani ula hadlaysaa saado waa aragtidayddii waxba kama badalin wali halkii hore ayay iga taagan tahay

waxay soo baxday 24/02/2010

 
maaweelo waa jiifta ay curisay saado ciise cismaan waana diga rogasho xidhiidhkeeda
Dhamaan waan salamayaa golaa sharafta leh,waa waxoogaa soryo ah oo aan u sido sultan faysal
maadama uu yidhi jacalka iyo dayactirka dalka waan isku wadayaa oo hawli iga baylihi mayso,kkkkk
waxay la magac baxdey MAAWEELO waxayna so baxdey.
23/02/10.
 
akhris wacan.
 
Marag waa jiifto yar oo uu curiyay faysal Cambalaash Lana socota Diga rogasho
Salaamu Calaykum Dhamaan.
 
Waa in yar oo aan ku soo daray Saado iyo Axmed waxaanay si gaara ula hadlaysaa saado. Waa dhinaca aan iska taagay waa aragti gaaban. Ma aha hiil iyo colaad ka dhan ah saado ee fikir is waydaarsi.  
Marag waa magaca aan u bixiyay waa 23/02/10
 
Maamuus waa jiifto ay curisay saado ciise cismaan waa heestii 3aad ee diga rogasho
Wuu salamanyey golaa sharaf ta badani,mudane iyo marwaba meelkastoo joogtaan,
waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa hees yar oo daba socota heestii BADEED soo
direy ee la magac baxdey musanoow,heestani waxay la magac baxdey MAAMUUS,
waxayna soo baxdey 22/02/10.
akhris wacan